Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa lagu soo dhaweyeeyey Magaalada Muqdisho
Waxaana garoonka uga hortagay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo masuuliyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay
Sheikh Shariif oo warfidiyeenada kula hadlay goyga ee Magaalada ka dagan yahay Ayaa ka hadlay xaalada dalku ku sugan yahay
Isaga xusey dibaatada ugu weyn in ay tahay siyaasadaha is diidan loogana bixi karo aragtida mideysan ee Xisbiyada
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee dowlada KMG aheyd ayaa xusay in dhawaan dalka ka bilaaban doonto ololoha doorashooyinka