Home Afsomali Qof qaba Cudurka Coronavirus oo lagu arkay Muqdisho

Qof qaba Cudurka Coronavirus oo lagu arkay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya Fowsiya Abuukar Nuur ayaa Goordhow shaacisey in qofkii ugu horeeyey ee qaba caabuqa Caronavirus ay ku haayaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa ay sheegtay in muwaadiniin Soomaaliyee oo ka yimid dalka dibadiisa ay maalmahaan ku haayeen Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho si baaritaan ugu sameeyaan kana digtoonaadaan,isla markaana ay karantiilayeen.

Waxaa ay sheegtay in maalma ka kadib lagu soo wargeliyey in dadkaasi Garoonka ay ku haayeen laga helay Cudurka Caronavirus,isla markaana weli wasaaradda Caafimaadka ay baaritaano kale ay ku heyso dadka Garoonka lagu haayo.

Shacbaka Soomaaliyeed ayay ugu baaqdey in Wasaarada Caafimaadka ay gacan ka siiyaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ka hortaga Cudurka Caronavirus oo dhibaatooyin badan ku haaya wadamo kaid ah Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.