Home Afsomali Xildhibaan Goor dhow Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan Goor dhow Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor dhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray Isbitaallo kala duwan oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Waxaa ku kacday Sokorta waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer oo ugu dambeyntii markii la xiray loo badalay Isbitaalka Yardiimi.

Aadan ayaa ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaanada deegaan doorashadiisu aheyd degaanada maamulka Hirshabeelle.

Gabdho Somali ah oo lagu jirdilo Xabsi ku yaal Sacuudiga

https://youtu.be/640qqhVkj7c

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.