Home Afsomali Waxgaradka Soomaaliyeed “ Walaahi Hadii Xasan Shiikh La doorto Lacagteena Hub aan...

Waxgaradka Soomaaliyeed “ Walaahi Hadii Xasan Shiikh La doorto Lacagteena Hub aan kula dagaalano ayaan ku iibsandoonaa”

Waxgaradka Gobolka shabeelaha dhexe ayaa qaarkood  kulan ay ku qaateen magaalada jowhar waxa ay kaga hadleen xaalada gobolka iyo mida soomaaliya.

Waxgaradka ayaa ku eedeyay Madaxda dalka in ay xaalad xun sanadihi danbe dalka ay geliyeen.

Nabadoonka Cali Maxamed Cali oo kamid aha Odayaashi Kulanka ka qeyb galay ayaa u sheegay in xasan shiikh maxamuud oo haatan si kmg ah u madaxweynaha dalka uu 4 sano ee la soo dhaafay dhibaato uu galshay dalka islamarkaana nolasha dad badan ay cariiri gashay.

Nabadoonka ayaa xusay in Xasan shiikh uu danihiisa gaarka ah uu ka shaqeeyay balse uu ilaabay midi guud ee loo dhaariyay.

Nabadoonka Cali Maxamed Cali ayaa ugu dnabeynti sheegay in odayaasha kulmay ay isla qaateen in aan la taageerin in dib loo soo doorto xasan shiikh iyagoona digniin u diray xildhaabanada laga soo doortay hirshabeelle, waxana ay sido kale uu yiri nabadonka “Hadii xasan shiikh ldib loo soo doorto waxaan aniga hantiteeda ku bixindoona sida xasan uu dalka u maamulihi laheyn waxana lacaga aan heysto aan ku iibindoono hub si loola dagaalamo xasan shiikh.

Waxgaradka sheegay in ay ku kulmeen jowhar maanta ayaa kulankooda waxa uu imaanaya xili dhawaan dalka la filayo in doorasho uu galo.

https://youtu.be/N5I81-k_a18

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.