https://youtu.be/aZq90emUaF8
https://youtu.be/TxNoNd6bFDk
Waxaa la diiwaan galiyey 48 Xaaladood oo cusub
Maanta waxaa dalka laga diiwaan geliyay 48 xaaladood oo Cudurka #Covid-19 ah
Banaadir : 41
Jubaland: 3
Koofur galbeed: 4
> Lab: 31
> Dhedig: 17
> Bogsasho: 5
> Dhimasho: 2
Tirada guud ee kiisaska : 528
Tirada guud ee dhimashada la xaqiijiyay ilaa hada waa : 28
Tirada guud ee bogsootay: 19
Like Tweet Pin +1 in
logo
Wasaaradda Caafimaadka Dalka Oo Ka War Bixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Cudurka COVID-19
Muqdisho, Talaado, April 28, 2020— Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.
41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale.
Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28