Home Afsomali dhageyso codka Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo sheegay...

dhageyso codka Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo sheegay in ay fuliyeen weerarkii Excontrol Afgooye

147
0

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay iney iyagu ka dambeeyeen qaraxii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu khasaare kala duwan kasoo gaaray dad isugu jira ciidan iyo shacab intaba.

Kalimad la dhageysan karo muddo 24 daqiiqo ah ayuu Sheekh Cali Dheere ku faahfaahiyay qaraxii halkaas ka dhacay iyo dadka lala beegsaday, wuxuuna sheegay in qaraxaas ay la beegsadeen Kolonyo isugu jirta Turki iyo maleeshiyaad Soomaali ah islamarkaana uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale qiray in qaraxaas uu khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed kasoo gaaray dad shacab ah oo qaraxaas la kulmay xilli ay wadada marayeen.

https://www.youtube.com/channel/UCtB0Vd0QKi5nBphW4ElN3AA/videos

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here