Home Afsomali Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga dhexe ee Xamar & faahfaahino ka soo baxaya

Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga dhexe ee Xamar & faahfaahino ka soo baxaya

War goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir ayaa sheegay saddex ka mid Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar ay halkaas ka baxsadeen.

Saraakiil ku sugan xabsiga ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay mid ka mid ah maxaabiistaas ka soo qabteen agagaarka kawaanka Malaayga degmada Xamar-weyne dibna loogu celiyey xabsiga.

Labada kale ee weli maqan ayaa la sheegay iney baadi goobayaan ciidamada amaanka, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in maxaabiista maqan ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuna kala xukunaayeen 15 sano iyo xabsi daa’in.

Saraakiisha xabsiga dhexe iyo taliska ciidanka asluubta ayaan illaa hadda ka hadlin dhacdadan.

Lama oga sida Maxaabiistan ay ugu suuragashay iney ka baxsadaan xabsiga dhexe oo aad loo ilaaliyo amaankiisa, waxaana socda baaritaano, iyadoo si weyna loo tuhunsan yahay in saraakiisha xabsiga qaarkood ay fududeeyeen arintan oo fadeexad kale ah laamaha amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.