Home Afsomali Jubbaland oo xukun dil toogasho ah fulisay ah Askari Askari...

Jubbaland oo xukun dil toogasho ah fulisay ah Askari Askari kale dilay wax ka yar 24 saac

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Jubbaland uu xukun dil ah ku fuliyay Askari Askari kale xalay ku dilay Kismaayo.

Ninka maanta la toogtay ayaa lagu Magacabaa Maxamed Cabdinaasir, waxaa uu ka mid ahaa Ilaalada Madaxtooyadda Jubbaland.

Askariga xalay lagu dilay Kismaayo ayaa sidoo kale ka mid ahaa Ilaaladda Madaxtooyadda maamulka Jubbaland.

Dilka ayaa yimid ka dib markii uu muran soo gala dhex galay labada Askari.

Maamulka Jubbaland ayaa xukun deg deg ah ku fuliya Askarta iyo Shaqsiyaadka kale ee gacanta lagu dhigo ee dilalka ka geysta Magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.