Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenya ayaa ku dhawaaqay in mudo 30 maalmood ah la xiray xaduudaha Soomaliya iyo Tanzaaniya ay lawadaagan Kenya.
Sidoo kale Bandowga saaran Kenya ayuu madaxweynaha waxa uu ku daray 21 Maalmood oo ku eg ilaa 6 juun ee bisha soo socota.
Dhammaan wadayaasha xamuulka qaada ee tagaya Kenya waxaa laga baari doonaa Covid-19 waxaana loo oggol yahay kaliya inay dalka galaan haddii laga waayo Covid 19.
Kenya ayaa ilaa iyo hadda diiwaan galisay 830 kiis oo ah cudurka loo yaqaan coronavirus tan iyo 13-kii Maarso.