Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka qabsoomay shirka guddiga ka hortagga COVID-19,kaas oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre,waxaana looga hadlay qoodbo dhowr ah.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dibedda ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka loogana feejigan yahay Cudurka Coronavirus.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa Guddiga kla dardaarmay dardar gelinta howlaha ay bulshada u hayaan kana Shaqeeyaan sidii dadka Soomaaliyeed ee dibadda ku xiyiran dalka loogu soo celin lahaa.
Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ayaa waxaa habeen habeen walba ay yeeshaan kulan joogto ah,iyada oo looga hadlo arrimo la xiriira ka hortagga COVID-19.