Home Afsomali Madaxweyne DR Maxamed cabdi Waare oo Amaray Guddiga ka hortagga COVID-19

Madaxweyne DR Maxamed cabdi Waare oo Amaray Guddiga ka hortagga COVID-19

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin kale ayaa maanta Booqday xarunta Wacyigelinta Caabuqa Coronovirus ee Magaalada Beledweyne, isagoo u kuur galayay xaaladda xarunta iyo baahiyaha ka jira.

Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka xaruntaasi, isagoo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan iyo qalabka ay u baahanyihiin waxaana madaxweynaha uu amray in saacadaha soo socda la dhameystiro qalabka ka dhiman xarunta.

Intaasi kaddib Madaxweyne Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee sector 5 ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo Ciidamada AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.