Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdalla Maxamed oo Dowladda Soomaaliya ka riftay garaadaha kana eresay shaqada NISA ayaa sheegay in godka Jillicow ee Magaallada Muqdisho ay ku xiranyihiin Maxaabiis kor u dhaafaysa 120 qof oo ay qaarkood halkaasi ku dhinteen sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in gudka Jillicow ay dhawaan ku dhinteen 2 qof oo halkaasi ku xirnaa,sidoo kalana ay halkaasi ku xiranyihiin in ka badan 120 qof oo u badan dhilinyari wax ku qortay baraha Bulshada si uu hadalka u dhigay.
Dawlada Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo hore waxay usheegtay in la xiray oo Maxaabiistii la geyn jiray la joojiyey Xabsiga Godka Jilicoow.
Xogtaan uu General Cabdalla Cabdalla soo banaan bixiyey ayaa weli waxaan ka jawaabin Taliska Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed.