Home Afsomali Askari ka tirsan Ciidanka Bolice-ka ayaa Toogasho ku dilay goordhaweyd laba...

Askari ka tirsan Ciidanka Bolice-ka ayaa Toogasho ku dilay goordhaweyd laba Askari

Askari ka tirsan Ciidanka Bolice-ka  ayaa Toogasho ku dilay goordhaweyd laba Askari oo ay wada shaqeyni ka dhaxeysay ahaana ku deegaanka gudaha dagmada Xamar weyne ee Magalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Askari kale oo ka mid ah Booliska Soomaaliya  ku dilay Degmada Xamar-weyne.

Wararka ayaa sheegaya in uu Muran dhexmaray Askariga la dilay iyo kan wax dilay.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Gacanta ku dhigay Ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee Degmada ku dilay skariga kale,waxaana la sheegay inuu dhaawac yahay Askariga la qabtay.

Askari ka tirsan Bolice-ka  ayaa toogasho ku dilay goordhaweyd laba Askari oo ay wada shaqeyni ka dhaxeysay ahaana ku deegaanka gudaha dagmada Xamar weyne ee Magalada Muqdisho Wasaaradda amniga ee DFS ayaa digniin culus

kasoo saartay dilalka ay ciidamadu u geysanayaan dadka shacabka ah.

Warbixin kasoo baxday Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada hubeysan ee ka tirsan dowlada ay dilal bareera u geystaan dadka shacabka ah ee aan hubeysneyn.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in ciidamadu ay si ganbasho la’aan ah ugu xadgudbaan dadka shacabka ah, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cida falkaasi lagu helo.

Warbixinta Wasaarada waxaa lagu muujiyay in labadii bilood ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal bareer ah oo ciidamada dowladu ay la eeganayeen dadka shacabka ah sida kuwa ka shaqeysta Mooto Bajaajka iyo kuwa wata gaadiidka raaxada.

Nuqulkamid ah digniinta Wasaarada ayaa waxaa lagu yiri ”Wasaaradu uma dulqaadan doonto talaabooyinka ay qaadayaan ciidamada la socda gaadiidka shaqsiyaadka iyo kuwa ciidankuba in si bareera ay u dilaan dadka shacabka ah ee isticmaala wadooyinka”

”Sharciga ayuu marayaa Askarigii ku xadgudbo dadka shacabka ah iskaba daayee inuu geysto dil”

Magaalada Muqdisho ayaa ah magaalo Nabad ah, iyadoo mararka qaar la arko ciidamo ka tirsan dowladda oo si naxariis darro ah xabado ugu furaya dad shacab ah, gaar ahaan marka ay waddooyinka furanayaan ama ay arkaan gaadiid ay ka shakiyaan

Ciidamada munishiibiyada ayaa inta badan dhaqaalo ku heysta goobaha ay ilaalada ka yihiin kuwaas oo qarashadaad ka qaada Gaadiidka BL ah waxaana dhici karta in ay isku maandhaafeen qeybsiga lacago iyaga xagooda u xarootay.

https://youtu.be/N5I81-k_a18

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.