Home Afsomali War deg deg ah Xeer ilaaliyah jabuuti oo sheegay in fuad...

War deg deg ah Xeer ilaaliyah jabuuti oo sheegay in fuad loo heysto Qayaamo qaran

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Djabouti DR Jaamac Suleymaan Cali ayaa faahfaahiyey dacwada loo heysto duuliye Fuad Yuusuf Cali wuxuuna shir jaraid oo uu qabtay ku sheegay sababta dowlada Jabuuti u xirtay iyo danbiyada loo heysto fuaad yusuf Cali oo ah muwaadin u dhashay dalka Jabuuti  kana tisanaa cidamada circa  dhashayna 1980kii

Xeer ilaaliyaha ayaa shirkiisa jaraid ku xusay in 15kii march 2020 fuaad uu kiciyey diyaarad cidamada circa jabuuti ay leeyihiin isaga xiligaasna uu doonayey in uu ka dajiyey dalka Eretria ka dibna arintaa ay u suuta gali weyday ciidankuna ay ka hortageen .

Wuxuu kale oo uu sheegay in 2 xidigle Duuliye fuaad Yuusuf uu dalka ka baxsaday ka dibna uu tagay dalka Ethiopia halkaana ka soo jeedinayey hadalo kicin iyo hanjabaadyo ah oo uu u soo jeedinayey saraakiisha ciidamada cirka hase yeeshee  ay dowlada Jabuuti ka soo qabatay dalkaas

DR Jaamac Suleymaan Cali ayaa sheegay in xeer ilaalinta dalka ay dacwad ka dhan ah Duuliye Fuaad u soo gubiyey taliyaha guud ee ciiadmada cirka dalka Djabouti waxaana dacwadaas uu ku eedeeyey taliyaha ciidanku aheyd in uu la xariiray dal cadow ku ah dalkiisa jabuuti oo ah dalka Eretria

Qodobada kale ee lagu eedeeyey ayaa waxaan aan ka xusi karnaa buu yiri Xeer ilaaliyuhu in baraha Bulshada uu ka hadlay isagoo soo jeediyey hadalo khatar ku ah amaanka dalka

Edeymaha ayaa waxaa kale oo ka mid ah in burburin uu ku sameeyo diyaarada taasine ay u suurta gali weyday

Ugu danbeyntii Xeer ilaaliyaha guud ayaa hoosta ka xariiqay in arimaha lagu eedeynayo Fuad ay tahay Qayaano qaran taasina ay tahay mid sharciga waafaqsan wuxuu kale oo oo uu sheegay in dowlada Ethiopia ay 20 kii April ay ku soo wareejisay dalka Djabouti ka dib markii gacanta lagu dhigay

Fuaad waa muwadin reer Jabuuti ah wuxuuna mari doonaa xeerka cadaalada ee uu leeyahay dalka jabuuti wuxuuna heer ilaaliyuhu intaa ku daray in aanay jiri doonin wax cadaalo daro ah oo lagula dhaqmi doono duuliye fuaad Yuusuf Cali oo haatan ku jira Gacanta dowlada jabuuti  uuna mudan doono wax walba oo la xariira Xeerka u yaal ciidanka iyo waliba tan dalka

Xeer iaaliyaha guud ayaa hadalkiisa wuxuu ku soo beegmay ka dib markii uu fuad Muqaal isaga duubay uu Gudaha Xabsiga Gaboo uu soo dhigay Baraha Bulshada taasina ay tahay ilaa iyo hada mid ay ku raad joogaan ciidamada Amaanka dalka

Xeer ilaayiha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadu ay ku qancaan Xeerka Guud ee dalka u yaalo

 

https://www.youtube.com/channel/UCtB0Vd0QKi5nBphW4ElN3AA/videos

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.