Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Waxbarasho lacag la’aan ah dowladdiisu siiso 65...

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Waxbarasho lacag la’aan ah dowladdiisu siiso 65 Arday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Kalfadhiga Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladdiisa ay tahay Midii ugu horreysay ee Bixisa Waxbarasho lacag la’aan ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbarasho lacag la’aan ah siiso 65 Arday, taasoo dhalisay dood badan oo ku aadan sidda ay macquul tahay hadalka Madaxweynaha ee in dowladda 65 arday oo kaliyah ay waxbarasho ka bixiso.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto waxbarashada lacag la’aanta ah ay siiso Ardayda Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla Iskuullo dowladdu ay leedahay oo Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay maamusho, islamarkaana macalimiinta Iskuullada ay lacag siiso Wasaarada waxbarashada Soomaaliya, islamarkaana lagu dhisay Mashruucii Aada Iskuullada ee la hirgaliyay Xilligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale ku yaalla Muqdisho Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dib loo howlgaliyay 20 Agoosto 2014 , islamarkaana ay wax ka bartaan Arday Kumanaan ah.

https://www.youtube.com/channel/UCtB0Vd0QKi5nBphW4ElN3AA/videos

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.