Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa lagu waday inuu ka dhacdo Banaanbax la doonayay in lagu taageero Madaxweyne..
ayaa la filayay in Maanta uu ka dhaco dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,hayeeshee Puntland ay joojisay.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay tageen halka uu ka socday qaban qaabada banaanbaxa,isla markaana ay kala Eryeen dadka dhigi lahaa banaanbaxa oo u badnaa Haween.
Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Magaalada Boosaaso gaar ahaan kuwa Gobolka Bari weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha ay u joojiyeen banaanbaxaas,hayeeshee uu weli jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.
Shalay ayay aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana banaanbax kale uu Maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gobolka Gedo.