Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo uu ku sheegay in Shirkadda DP World oo Maalgelinaysa Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Somaliland Maanta ayaa lagu sheegay in hadalka ka soo yeeray Dawladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid la doonayo in lagu Carqaladeeyo xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonto xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya dowladda Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Waraysi uu siiyey Telefiishanka Al-arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo Maalgelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin.
Shirkadda DP World ayaa gacanta ku heysa Dekeddaha Berbera iyo sidoo kale Boosaaso ka dib markii heshiis hoosaad ay la gaartay Somaliland iyo Puntland, waxaa sidoo kale xusid mudan in Shirkadaasi horay looga soo ceyriyay dalka Jabuuti.