Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi,kaas oo ku aadanaa in la qabto shir ay arrimaha doorashooyinka uga tashanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada oo ku qornaa Soomaali iyo English ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweeynayaan Go’aanka guddoomiyaha Aqalka Sare,isla markaana loo turo Shacbaka Soomaaliyeed danta gaarka ahna laga hormariyo danta Guud.