Home Afsomali Puntland :waxaan nasiib daro ah in Madaxweyne Farmaajo uu la shiro koox...

Puntland :waxaan nasiib daro ah in Madaxweyne Farmaajo uu la shiro koox gooni u goosad isku dayeyso xiligaan aduunku midoobay

Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka hadlay mowqifkooda ku aadan wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland uga socda dalka Jabuuti.

ayaa sheegay in aysan qayb ka ahayn shirkaas,isla markaana ay waxaa nasiib daro tahay in Madaxweyne Farmaajo uu la shiro Koox Gooni u goosad ah sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in Bulshada Sool, Sanaag iyo Cayn aysan Aqbali doonin natiijo walba oo ka soo baxda shirkaas oo uu sheegay in dowladda Federaalka ay dano siyaasadeed ka raadineyso.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxaa uu Maanta ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 46aad ee Golaha wakiilada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.