Iyagoo la maan-doorsan jacaylka ay Soomaalinimada u qabeen darteed, markii ay la midoobeen Koofurta 1960-kii, waxaa loogu abaal-guday inaan xil sare laga siin dowladdii waagaas. Madaxweyne, Reysal Wasaare iyo Guddoomiye Baarlamaan waxaa afka iska mariyey Reer Koofureedka.
Xili Dowladeedkii xigay, isla sidii oo kale ayey Koofurtu sameysay, oo Reer Waqooyiga waxaa lagu yiri “shacab la xukumo uun iska sii ahaada”.
Muddo 7 sano ah oo ay siyaasadda ka qadsanaayeen kadib, Allaha u naxariistee, Madaxweynihii 2-aad ee dalka C.C. Sharma’arke ayaa 1967-kii u magacaabay Reysal Wasaare Cigaal. Balse, 2 sano kadib rajadaas wey miriqday 1969-kii.
21 sano oo xigtay in maqaam siyaasiya oo sare ay ciyaaraan iskadaayee, waxaa xitaa loo diiday iney hadlaan, waxaana u dheeraa iney si gaara bartilmaameed u noqdeen, oo qalqal iyo argagax, aysan jirin cid qabtay mid la xajmi iyo culeys ahaa, ayaa iyaga u gaar ahaa sanadahaas tirada badan oo dhan.
Muqdisho, Burco iyo Hargeysa ayaa dad aan dagaal ku jirin oo maras ahaa iney Reer Hebel yihiin darteed loo xasuuqay, kuwa kalena waa loo sii dan lahaa hadduu maamulkaas sii jiri lahaa, oo ma muuqan si ay halistaas u baaqan kartay, marka la fiiriyo hab-fekerkii Kacaanka.
2000 – 2017, xil aan ahayn wasiir looma garan, taas oo ay beelaha kale kala siman yihiin, waxaana muuqata in Reer Waqooyinimadooda loo ictimaaday “beel halkaas degan” oo kaliya.
Inkastoo markii la sameeyey Aqalka Sare ay noqdeen Afhayeenka Aqalka, haddana umaleyn maayo in ay Koofurtu wali wax u ogoshahay Gobolada Waqooyi: kaliya waxay u baahantahay dadka, dhulka iyo dhaqaalaha goboladaas. Damac-katiirnimadaas ma garan waayin Reer Waqooyigu.
Kasakow iney Reer Waqooyigu la nool yihiin ciil iyo uur-ku-taallo ay ka mid tahay in ay si xun uga shalaysan yihiin midowgii dhacay 1969-kii, waagaas oo ay sharciyan noqon kareen dowlad madax-banaan, balse sidey u arkaan ay taladu seegtay, cawaaqibkeedana ay marayaan, maxaad ka muwaadin ahaan u aragtaa arrinta Gobolada Waqooyi iyo Gobolada Koofureed (Soomaaliya iyo Somaliland)?
https://youtu.be/7JwVAdZgEqE