Home Afsomali Kulan Loogu mahad celinaayay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka dhacay magaalada...

Kulan Loogu mahad celinaayay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka dhacay magaalada muqdisho.

Kulankaan ayaa ahaa mid loogu mahad celinaayay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gurmadkii ay ka sameysay fatahaadii wabiga shabelle uu ka geystay gobolka Shabellaha Dhexe.
kulankaasi waxaa goobjoog ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundion, Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka.
Ugu horeen waxaa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha gudiga Gurmad Walaal Ciise Maxamed Cumar  wuxuuna sheegay inay mahad balaaran u jeedinayaan hey’ada Hormuud Salaam Foundation oo si damqasho leh uga jawaabtay baaqyadii ug yimid dadka dhibaatadu saameysay .

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka kana mid ahaa gudiga gurmadka Shabellaha Dhexe ee fatahaadaha Maxamed Abuukar Zubeer ayaa ka mahad celiyay garab istaagii Hay’adda Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay sidii ay masuuliyad isga saareen u gurmashada dadkii uu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.