Home Afsomali Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka  Oo Al-shabaab kala wareegay Deegaano Hor leh

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka  Oo Al-shabaab kala wareegay Deegaano Hor leh

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka  Oo Al-shabaab Kasaaray Degaanada Jilib Marko iyo Gendeshe Ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor oo siwada jir ah u howlgalaya ayaa al-shabaab kasaaray degaanada jilib marko iyo gendershe oo hoosyimaado degmada marko ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ujeedkiisu ahaa in Alshabaab laga saaro dhulka xeebta ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada marko.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in ciidanka intii ay howlgalka xoreeynta ah kuguda jireen ay ku dileen laba horjooge oo u qaabilsanaa  degaanada xeebta ah ee ay ciidamadda la wareegeen.

Taliyahaa ayaa sheegay horjoogayaasha ladilay inay kala ahaayeen horjooge xeroow,iyo horjooge ciise yare, islamarkaasna ay ku raadjoogaan horjooge shuceyb ganeyn oo kamid ah horjoogayasha sar sare ee argagixisada.

Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa haatan waxay wadaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan  amaanka degaanada jilib marfko iyo gendershe ee gobolka shabeelaha hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.