Home Afsomali Labadda Nooca ee Guddiga doorashooyinka Qaranka ay soo jeediyeen in doorashadu u...

Labadda Nooca ee Guddiga doorashooyinka Qaranka ay soo jeediyeen in doorashadu u dhacdo

https://youtu.be/RdfuQVviw4A

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa Golaha Shacabka ka hor cadeysay in hirgalinta doorashada qof iyo codka ah aysan ku dhici karin xilligii loogu talagalay.

Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Yareey.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baahan tahay nooca labaad in la eego haddii taasi ay dhici weyso,taasoo ku aadan in doorashadda Waqtiga lagu darayo ay noqonto laga bilaabo 20-ka July 2020-ka ilaa 21-ka March-keeda”

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado hareeyey howlaha guddiga Doorashoyinka oo ay ka mid yihiin, dawlad gobaleedyada, Dhaqaalaha iyo xaaladdaha Amniga ee Soomaaliya.

Waxa muuqata in doorashada aysan ku dhici karin xilligii loogu tala galay oo ay qaadan doonto bilooyin dheeraad ah, sidda Lix bilood.

Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo jeedisay labo qaab oo ay sheegtay in ay doonayaan in ay u dhacdo doorashada Soomaaliya, labaddaasi qaab ayaa keenaya dhammaan dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Midka Koowaad 

Waxa ay sheegtay in loo baahan yahay 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha Julaayo 2020 kuna eg Agoosto 2021.

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, Sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Yareey.

 

Midka labaad

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baahan tahay nooca labaad in la eego haddii taasi ay dhici weyso,taasoo ku aadan in doorashadda Waqtiga lagu darayo ay noqonto laga bilaabo 20-ka July 2020-ka ilaa 21-ka March-keeda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.