Hormuud Salaam Foundation waxay ogeysiinaysaa Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ,gaar
ahaan sanad dugsiyeedka 2018/2019 & 2019 /2020 in la qaadi doono Imtixaankii lagu
codsanayey Deeqda Waxbarasho ee sanadlaha ah ee shirkada Hormuud Telecom.
Imtixaanka waxaa la qaadi doonaa 4 & 5 August 2020, wuxuuna ka dhici doonaa Xarunta
Jaamacada Hormuud ee Buulo Xuubeey.
Sharuudaha Gelidda Imtixaanka eeardey kastaa laga rabo waxaa ka mid ah:
1. Ardey kastaa Inuu buuxiyo Foomka Codsiga Imtixaanka, kaasoo laga helikaro
Ciwaankaan : http://hsp.htf.so/portal/StudentRegistration, laga bilaabo, Axad 12ka
July 2020, saacadda markeey tahay 10-ka (subaxnimo), ilaaa 13 July,10:00am ama markii
aay is diiwaan geliyaan 400 ardey.
2. Inuu ka mid yahay Ardayda dhameysey dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2018/2019
& 2019/2020.
3. Inuu ardaygu heysto aqoonsiga Roll Number ee Wasaaradda waxbarashada
4. Inuu helikaro Shahaadada dugsiga sare markii loo baahdo.
5. Ardey kastaa waxaa laga codsanayaa inuu soo xirto Weji xirasho ( Face mask), iyadoo
la raacayo timlaamaha caafimaad ee wasaarada Caafimaadka bixineeyso ee
xaaladaha Covid-19.
Waxaana loo tartami doonaa sanadkaan kulliyadaha kala ah:
Kuliyadda Beeraha
Kuliyadda Badda
Kuliyadda ICT
Kuliyadda Geology
Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka
Haddaba Ardayda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed waxaan ku wargelinaynaa in Imtixaankaas
isu diyaariyaan.
Wixii faah faahin ah kala xiriir telefoonada hoos ku qoran
Tel: 0613 99 33 67 Ama 0613 99 33 68