Wararka laga helayo deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in nin hubeysan uu weeraray qoys ka mid ahaa dadka deegaanka.
Ninka oo wararka qaar ay sheegayaan in uu ka tirsan yahay Booliska Soomaaliya ayaa ku hubeysnaa qoriga AK47,waxaana rasaas uu qoyska ku furay ku geeriyooday Afar Ruux halka Shan Ruux ay ku dhaawacmeen.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka hubeysan uu Gabar ka qabtay Qoyska uu weeraray,hayeeshee sababaha ilaa iyo hadda aan la ogeyn uu u beegsaday qoyska.
Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa u badan Carruur iyo haween, waxaana dadka deriska la ah qoyska la weeraray ay sheegeen in ay socdaan dadaallo loogu gurmanayo,sidoo kalena Ninkii falkaas geystay uu goobta isaga baxsaday.
Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa waxaa ay ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho,kaidb markii Nin hubeysan uu weeraray qoys ka mid ahaa dadka deegaanka.
Ninka oo wararka qaar ay sheegayaan in uu ka tirsan yahay Booliska Soomaaliya ayaa ku hubeysnaa qoriga AK47,waxaana rasaas uu qoyska ku furay ku geeriyooday Afar Ruux halka Shan Ruux ay ku dhaawacmeen.
Qof kamid ah dadka ku nool degaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim goobjogna u ahaa dhacdadaan ayaa Risaala uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen.