https://youtu.be/bklgqTKgpto
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor.
Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii.
Wasiir Cabdirixmaan ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalalka Carabta koboca waxbrashada dalkeenna, fursadaha jira iyo dadaallada wax ku oolka ah ee Dowladdu ay dib ugu soo nooleysay Waxbarashada, taas oo ay ka mid tahay asteynta Manhaj mideysan, dib u dhiska xarummo waxbarasho iyo soo celinta waxbarashadii dedweynaha ee lacag la’aanta ah.
“Tallaabooyinka aan u qaadnay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalkayaga waa kuwo mudan garab istaagga iyo bogaadin, iyada oo aan si xooggan isula jaanqaadnay Ururka Carabta ee Waxbrashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee (ALECSO) oo gacan weyn ka geysanaysa qabsoomidda Shirka Taageerayaasha Waxbarashada Soomaaliya oo ay marti galineyso Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuweyt.”
Dhankooda, Wasiirrada dalalka Carabta ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya Guddoominta Meertadan 25-aad ee kulammada heer Wasiir ee (ALECSO) iyaga oo u rajeeyey in ay horseeddo guulaha la rajeynayo ee horumarinta, isku xirka iyo iskaashiga dhanka Waxbarashada dalalka Carabta.
waa urur kulmiya wadamada carabta.Waa urur kulmiya wadamo kuyaala Afrika iyo Aasiya xubnaha kujira waxaa looyaqaana dawldo caraba.waa dawlado wadaaga arimo dhaqaale iyo arimo siyaasadeed. waxaana ka dhexeeya xidhiidho aad iyo aad ubadan Wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta waxay daboolayaan in ka badan 13,000,000 km2 (5,000,000 sq m) iyo waliba laba qaaradood oo kala duwan: Afrika iyo Aasiya. Goobtaasi waxay ka kooban tahay lamadegalka duurka, sida Sahara. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale ku jira dhulal badan oo aad u sarreeya sida Dooxada Nile, Dooxada Jubba iyo Dooxada Shebelle ee Geeska Afrika, Buuraleyda Atlas ee Maghreb, iyo Bariiska Fertile ee sii fidiya Mesopotamia iyo Levant. Aagga ayaa ka kooban kaymo qoto dheer oo ku yaal koonfurta Carabta iyo qaybo ka mid ah webiga ugu dheer dunida, Niil.