Home Afsomali Meydka Marxuum Xasan Abshir faarax oo garawe lagu aasay

Meydka Marxuum Xasan Abshir faarax oo garawe lagu aasay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd iyo Duqii Muqdisho Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Diyaaraddii sidday Marxuum Xasan Abshir oo muddo dheer ka soo shaqeeyey horumarinta iyo dib u dhiska dalka ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Intaas kaddib, marxuumka ayaa loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaas oo aas-qaran loogu sameeyey waxaana ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Aqalka sare Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.