Home Afsomali Nin sita qori Ak47 oo xasuuq bahalnimo ah ka geystay Goob dadka...

Nin sita qori Ak47 oo xasuuq bahalnimo ah ka geystay Goob dadka Mingiska Looga Tumo

Nin hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow weeraray guri ku yaalla degmada wardhiigley  ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac uu ka gaystay

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo ku hubeysnaa qoray AK47 ah uu bartilmaameedsaday guriga oo ah xarun lagu tumo Mingiska, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.

Dad badan ayaa ku sugnaa guriga xilliga uu dhacayey weerarka, kuwaas oo soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay 1 qof oo macagiisa lagu sheegay Saleemaan Maxamed Mahdi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 9 qof oo kale oo haween u badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaara ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo haatan baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkan, balse dad deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka weerar geystay uu cabsanaa, islamarkaana uu goobta isaga baxsaday.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta isku geedaamay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.