Home Afsomali FARMAAJO! TOLOW MAXAA LAGU XUSUUSAN DOONAAAAAAAAAA?

FARMAAJO! TOLOW MAXAA LAGU XUSUUSAN DOONAAAAAAAAAA?

La isma xaqiro e, Farmaajo 4tiisa sano waxaa lagu xusuusan doonaa qodobadan.

1. Inta uu joogay wax dhul dowladeed ah lama iibin. Qaar dayacnaa uun baa la dayac tiray oo dib loo furay.

2. Taallooyin baa dib loo suray halkii kuwo hore laga degsaday 1991-dii.

3. Baarlamaanka wuu xiniinyo siibay, guddoonkana wuxuu ka dhigay kuwo shaqaale caadi ah ku door ah.

4. Xukuumadda wuxuu ka dhigay mid wasiiradeeda cabsi ku joog yihiin oo aysan laheyn madax banaanidii wasiiradda hore loogaga bartay.

5. Madaxda Maamulgobaleedyada ciid kulul ayuu qoobabka u galiyey, dabeyl kululna wuu ku furay, fadhigana wuu u diiday.

6. Gobalka Banaadir wuxuu u sameeyey in ka badan 100 la taliye oo aan midna shaqeyn, balse si siyaasi ah loo naas nuujiyo.

7. Xildhibaanada, Wasiirada, Agaasimayaasha, Taliyeyaasha, Shaqsiyaadka Mucaaradka iyo Warbaahinta intaba wuxuu ka dhigay kuwo taxadar u luuda oo meesha ay saantooda dhigayaan og.

8. Ugu danbeyn Damiciisa ayaa isagii miiska soo saaray oo ka dhigay mid uu jirkiisa sonkor iyo shiif leeyahay, shinni iyo aboor badanina ay ku soo xoomayaan.

Aboorkii uu didiyey 3-dii sano iyo barkii uu talada hayey ee dudunta mar hore ku hoos cararay ayaa hadda isku dayaya in uu isaga dib ugu soo yaaco oo feento.

Kolleyba waa isaga iyo xeeshiisa e, haddii uu mar kale aboorkaas kala jaadka ah ku didin karo duduntii hoosteeda wuxuu yeelanayaa rajo. Haddii uu aboorka iska didiyo dee mar kale Maandeeq ha loo aroosiyo, haddiise uu aboorkaas didin waayo dalaaqaheeda ha iska tiriyo oo ha shubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.