Saraakiil Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ah oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa Safar Kormeer iyo u kuurgelid ah ugu ambabaxay Degmada Afgooye oo uu dhawaan ku Soo fatahay webiga Shabelle.
Taliyaha ayaa kormeeray Saameeynta Fatahaada iyo xaaladaha Amaan ee Degmada Afgooye, isaga oo tagay Saldhiga Boliiska iyo Taliska Darwiishta Afgooye. Isla markaana, warbixin ka dhageystay Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Saldhiga Degmada iyo Taliska Daraawiishta, maadaama ay Ciidanka Daraawiishtu Hada la howlgalaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn Taliyaha ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay sugaan. Isla markaana, u gargaaraan dadka ay fatahaadu saameysay si mucaawinada Dowladu ay si xasiloon ugu gaarto, bacdamaa waajibaadka Ciidanka Boliiska uusan ahayn oo kali ah sugida amaanka, ee uu yahay ugargaarida kana Soo warbixiyaan xaaladaha degaamada ay ku suganyihiin.