Goofgaduud Buureey.Inaa lilaahi ahi wa inaa ilaahi raajicuun.
Weerar ay saakay argagixisadu ku qaaday Deegaanka #Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay, waxaa halkaas ku dhintay 5 xubnood oo kala ah ;- Masuuliyiin, Ciidanka iyo dadka deegaanka, weerarka oo ku bilowday gaari lagu Soo raray walxaha Qarxa ayaa lagu weraray Xarunta Degeenka, waxaa halkaas ku dhintay 3 xubnood oo isagu jira ( 2- Xubnood oo Ciidanka Xooga Dalka ah iyo eedeysane).
Intaas kadib, ayeey argagixisadu isticmaaleen dhagar, iyaga oo Meyd ku Soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska oo iyaguna ku dhafwayay qaraxii 2-aad ee meydka ku xirnaa.
Guud ahaan dhimashada qaraxyada maanta ka dhacay Deegaanka #Goofgaduud #Buureey ayaa noqonaya ilaa 5 xubnood.
Sawirada hoos idinkaga muuqda waa Guddoomiyihii iyo Taliyihii Saldhiga.
Wa Bilaahi Towfiiq.