Home Afsomali Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Kulan La Qaatay Guddiga Gaadiidka Xamuulka...

Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Kulan La Qaatay Guddiga Gaadiidka Xamuulka Ee Dekadda Muqdisho

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,  Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen sii hayaha wasiirka gaadiidka, taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad gelyada wadooyinka, ayaa looga hadlay tayeynta gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda.

Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka magaalada Muqdisho.

Guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhameystirka shaqada ayaa la faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka lagu wajahayo dhaqan gelinta dhamaan qodobadii la iskula gartay kulanka.

BG5I0515
BG5I0487
BG5I0526
BG5I0502
BG5I0503

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.