Home Afsomali Gudoonka Baarlamaanka oo gudiga doorashooyinka ka dalbaday in ay qabyada dhameystiraan

Gudoonka Baarlamaanka oo gudiga doorashooyinka ka dalbaday in ay qabyada dhameystiraan

Maxamed Cismaan jawaari, ayaa guddiga kala hadlay dhameystirka doorashooyinka xubnaha labada aqal ee wali qabyada ah iyo Hanaanka lagu hirgalinkaro dhameystirka Doorashooyinka harsan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiga Doorashadda ee Peace Hotel Magaaladda muqdisho, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koobaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad iyo  xoghaynta barlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal Cumar Dhageey oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa warbixin ka siiyey Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ay soo marsiiyeen hirgelinta doorasho dadban iyo maareynta kuraaska harsan waxaana uu dhinaca kale  guddoonka ku wargeliyey in ay soo diyaariyeen habraaca loo marayo bedelka  kuraasta hadii Xildhibaan geeriyoodo ama is casillo kaasi oo ah in dib loo qabto doorashada kursigaas.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa bogaadiyey shaqada guddigan ay soo qabteen, sidoo kalena waxa uu ammaanay iney  soo raaciyeen habka loo marayo buuxinta kursiga la banneeyo waxaase uu ugu daray  iney muhiim tahay in la cadeeyo in kuriga ay gabar ku fadhiday aan rag lagu  bedeli karin in lagu muujiyo, sidoo kale waxa uu ka hadlay dhameytirka kuraasta  muranka uu ka jiro ee Shanta ah oo uu xusay in ay biyo kama dhibcaan tahay in guddiga heer federaal howshaasi dhameystirkeeda ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyey  guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer federaal iyo heer dowlad goboleed, baarlamaannada dowlad goboleedyada, ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo  kuwa midowga Afrika ee AMISOM waxaana uu dhanka kale u jeediyey codsi guddiga doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo saameyn ku leh dhameystirka doorashooyinka dadban taasi oo ah arin saameyn ku leh doorashada Madaxweynaha dalka.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa toddobaadkan waxaa kullan la yeeshay Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya micheal Keating iyo masuuliyiin ka socotay wadamada saaxiibka la ah.Waxaa kaloo uu isla toddobaakan bartiisa twitterka ku soo daabacay in waqtigii hoggaamiyayaasha madasha qaran uu dhamaaday, islamarkaana aysan sharic ahayn.

Geesta kale, kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee ay si wadajir ah Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka oo dhowaan la doortay ay ula qaataan guddiga doorashooyinka dadban waxaana ay bilow u tahay howsha loo ig maday Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka.

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.