Home Afsomali Xukun Maxkamadeed oo shaqaale dowladeed hor leh ku dhacay

Xukun Maxkamadeed oo shaqaale dowladeed hor leh ku dhacay

Maxkamadda G/Banaadir ayaa markale xukuno isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku riday shaqsiyaad u shaqeynayey dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiin heyadeed .

ilaa 4 ruux ayaa maxkamadu sheegtay in lagu helay danbiyadii lagu soo eedeeyey oo ahaa dhamaantood xatooyo xoolo dadweyne

1:Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Qeyraadka XFS Guuleed Maxamed Ibraahim waxa ay ku xukuntay 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2,366 dollar.
Iyo in qasnadda dowladda uu ku celiyo $137,907 dollar

2:Milkilaha Shirkadda Maamuus Generaal Cintarcting and Service iyo Madaxa Hubinta CommitmentabControl ee Xafiiska Xissaabiyaha Guud Ee dowladda waxaa lagu xukumay 9 Sano oo Xabsi ah iyo ganaax 3549 dollar iyo In qasnadda dowladda uu ku celiyo $58,555 dollar, ganaaxa waxaa wehiya ka reebid xafiis dadweyne.

3: Aweys Xasan Cumar xisaabiye ka tirsan waaxda Wasaaradda Warfaafinta waxaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed $1183 dollar.

4: Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre waxaa lagu xukumay
3 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1183 dollar

waa markii 2aad oo masuuliyiin doladeed la maxkamadeeyo  todobaadkaan gudihiisa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.