Home Afsomali Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo la meelmariyay

Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo la meelmariyay

Congress-ka Peru waxay u codeeyeen in la furo dacwada xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Martin Vizcarra “anshax xumo akhlaaqeed” iyadoo ay jiraan eedeymo ah inuu isku dayay inuu hor istaago baaritaanka ku dhowaad  50 kun ee qandaraasyada dowladda ee lagu wareejiyay heesaa caan ah.

Mooshinkii Jimcaha waxaa lagu ansixiyay 65 cod, waxaa diiday 36, 24na waa ka aamuseen.

Konton iyo laba cod oo ka mid ah  130 xubnood ee Congress-ka ayaa loo baahnaan doonaa sidii ay horay ugu sii dhaqaajiyaan mooshinka , waxaa sidoo kale loo baahnaan doonaa 87 cod si shaqadda looga ceyriyo Madaxweynaha.

Vizcarra, oo aan lahayn xisbi isla markaana xukunka hayay ilaa 2018, ayaa wacad ku maray inuusan is casili doonin.

Bishii Augoust  ee la soo dhaafay, Vizcarra wuxuu wajahay iskuday hore oo lagu doonayay in xilka looga xayuubiyo karti la’aanta wuxuuna kala diray Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.