Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in khasaare kala duwan uu ka dhashay god kusoo dumay dad Muruqmaal ah God ay qodaayeen.
Hal qof ayaa dhintay, laba kalena dhaawac culus ayaa gaaray kaddib markii uu ku dumay god ay ka qodayeen dahab deegaanka Milxo ee degmada Laasqoray.
Maamulka gobolka Sanaag ayaa xaqiijiyay in xaaladooda ay soo hagaageyso dadkii ku dhaawacmay godka kusoo dumay.
Boqolaal qof oo u badan reer-guuraa iyo arday jaamacadaha Puntland ayaa dahab si joogta ah uga qoto buuraleyda Laasqoray.