Shir Deg Deg ah oo ay yeesheen Urrurka qareenada Soomaaliyeed ayay si kulul uga soo horjeesteen xeerka ajuurada Maxkamadaha ay dhawaan soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, taasi oo soo baxday 20/09/2020.
Qareenada Soomaaliyeed ayaa su’aal geliyey sharciga uu wasiirka u maray soo saarida xeerka ujuurada maxkamadaha, iyagoo meesha ka saaray in maxkamada lagu soo dhexdaro xeerka ujuurada.
Cabduqaadir Maxamed Muuse oo ka mid ah guddiga Qareenada Soomaaliyeed ayaa shirka kadib Warbaahinta la wadaagay goo,aanada ay soo saareen golaha qareenada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Ururka qareenada iyo Maxkamadaha ay aheyd inay iskaashi ka yeeshaan tallaabo kasta oo la qaadayo.
Afhayeenka urarka Qareenada Soomaaliyeed Abuukaate Cali Xalane ayaa dhankiisa sheegay in xeerkani aan loo marin wadadii saxda aheyd, ayna shacabka Soomaaliyeed xILligaani awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha.