Musharax Xildhibaan dowlada fadaraalka ee beesha cabdalle sabdi
Isma’il Abdi Jimcale ayaa Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan Xildhibaanka Dowlada fadaraalka ee beesha Cabdalle ku leedahay Aqalka hoose ama kursiga golaha shacabka ah.
Waxaana magalada muqdisho lagu qabtay xafladda Shaacinta Musharax xildhibaan Isma’il Abdi Jimcale oo u sharaxan kursiga aqalka hoose ee beesha Cabdalle, iyada oo ay kasoo qeybgaeen munaasibada lagu shaacinayey hankiisa iyo rabitaanka siyaasadeed ee uu qabo ismaaciil Cabdi Jimcaale odayaal, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro haween iyo qeybaha kala duwan ee ku abtirsata beesha cabdalle Sabdi murusade .
Musharaxa oo munaasibada ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in uu isku soo sharaxo hogaamninta guud ahaa bulshada soomaaliyeed gaar ahaana beesha cabdalle sabdi oo ka tiran beelweynta murusade wuxuuna xusay qaabka ugu haboon ee uu wax ugu qaban karo bulshada uu ka soo jeedo isaga oo balanqaadkiisa ku daray qodista ceel biyood looga baahan yahay deeganada u ka soo jeedo