Home Afsomali Webiga Shabelle oo mar kale biyihii laga waayey ( DAAWO SAWIRADA )

Webiga Shabelle oo mar kale biyihii laga waayey ( DAAWO SAWIRADA )

Webiga Shabelle oo ka mid ah labada webi ee mara dalkeena Soomaaliya ayaa mar kale waxaa soo wajahay xaalad adag ka dib markii ay ka gureen biyihii.

Meelaha qaar webiga ayaa la sheegayaa in lagu arkayo biyo aad u yar oo aan dhaafsiisneyn cagaha hoostooda.

Weriye ku sugan magaalada B/weyne ayaa Allbanaadir.com u sheegay in webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara lagu arkayo biyo aad u hooseeya oo xitaa aan laheyn awood ay ku socdaan.

Magaalada Jowhar dadka ku sugan waxay sheegayaan in webigu uusan wax biyo laheyn dhexdiisana ay ku ciyaaraan caruurta, waxaana melaha qaar ka muuqanaya biyo aan macno laheyn.

Degmada Afgooye wararka ka imanaya iyana waxay sheegayaan in webigu uuba qalalay wax biyo ahna aysan jirin.

Beeraleyda ku tiirsanaa biyaha webigan ayaa la sheegayaa iney soo food saartay xaalad adag iyo walaac ku saabsan in beerahooda ay ka waraab la’aan u baaba’aan.

Sanadkii hore ayey aheyd markii sidan oo kale uu guray webiga Shabelle, isagoo biyo la’aan ahaa muddo saddex bilood ah.

Kanaalo waaweyn oo maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka jeexay sanadkii hore degaanada hoos taga ayaa loo aaneynayaa in marka webigu biyo yareeyo aysan biyihiisu soo gaarin gudaha Somalia.

Biyo la’aanta webiga Shabelle ayaa ku soo aadeysa xili dalka qeybo badan oo ka mid ah ay ka jiraan abaaro ba’an ka dib markii roobabki deyrta ay yaraadeen.

Xaalada abaarta ayaa laga cabsi qabaa iney ka sii darto maadaama la guda galayo bisha soo socota xiliga jiilaalka oo ah xiliga ugu kuleylka iyo roob la’aanta badan Somalia sanad kasta, wax roob ahna lama fili karo ka hor xiliga Gu’ga oo bilabaanaya bilaha Abriil ama May ee sanadkan.

Sababaha keenay inuu guro Wabi Shabeelle ayaan si rasmi ah loo ogeyn ilaa hadda balse waxaa jiro tuhun ah in Biyo Xireen dowladda Itoobiya ka sameysay degmada Godey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu sababay guritaanka Wabiga.

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.