Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,James Swan ayaa kulan fogaan arag ah oo uu kaga qeyb galay alaada ZOOM-ka, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay rabtay nooc doorasho oo ka duwan midka lagu heshiiyey.
Mr Swan ayaa niyad jab ka muujiyey in rabitaankii Qaramada Midoobay uu meesha ka baxay,
Wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololaynayeen doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad dastuurka dalka Soomaaliya, hase yeeshe shirarkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida ku yeesheen Dhuusamareeb iyo Muqdisho lagu saxiixay heshiis ku saabsan doorasho iyo nooca ay tahay doorashada 2020-2021.
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn-yahay in la xushmeyn doono meelaha laga toos-toosiyey nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, oo ay kamid tahay qoondada haweenka (30%) ee ku metelaya barlamaanka federalka soomaaliya iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista oo noqota doonto mid loo dhan yahay.