Home Afsomali Warsaxaafadeed Ujeedo Jawaab celin Gudoomiyaha Aqalka sare

Warsaxaafadeed Ujeedo Jawaab celin Gudoomiyaha Aqalka sare

 

 

Tr: Nov 18, 2020

 

 

Ku:-Madaxwaynaha JFS

Ku:-Ra’iisal Wasaaraha XFS

Ku:-Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada

Ku:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Ku:-Dhamaan daneeyeyaasha Beesha Caalamka

Ku:-Dhamaan Saxaafada madaxa banaan iyo tan Dawlada

 

 

UJEEDO: JAWAAB CELIN GUDOOMIYAHA AQALKA SARE

 

Hadii aanu nahay Senatarada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) waxaanu halkan ku soo koobaynaa jawaab celin qoraalo isdaba joog ah oo uu faafiyay Gudoomiyahayaga Md. Cabdi Xaahi Cabdilaahi

  1. Dalkeenu waxuu leeyahay Dastuur, shuruuc iyo xeerar lagu kala baxo hadii lagu murmo ama la isku afgaranwaayo arimo (siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, dhaqan iwm).
  2. Gudoomiyaha Aqalka Sare oo aanu Somaliland ka soo wada jeedno gollena ka wada tirsanahay, ahna gudoomiyahayaga intaa uu qoraalo faafinayay wax talo ah nama waydiin guud ahaan iyo gaar ahaan toona.
  3. Gudoomiyuhu marka uu isticmaalayo magaca gudoomiyaha Aqalka Sare waa inuu u isticmaalaa wax golluhu u codeeyey ama lala ogyahay oo wada tashi laga galay.
  4. Gudoomiyuhu waxuu la tashadaa oo qoraalada la faafiya , shirarka jaraa’id na la qabta mas’uuliyiin mucaarad ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawlada Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland iyada oo la soo ururiyo dad suuq joog ah oo xog moogayaal ah oo lagu sheego inay ka soo jeedaan Somaliland kuwaas oo aan ahayn reer Somaliland.
  5. Gudoomiyaha Aqalka Sare waxaa lala galay wadahadal u dhexeeyey isaga, madaxda u saraysa xukuumada ee reer Somaliland taas oo uu ku gacansaydhay in la wada tashado oo la isu tanaasulo.
  6. Gudoomiyaha Aqalka Sare ma jiro sharci iyo xeer u fasaxaya inuu qoro ama xulo guddiyada doorashooyinka heer federeaal iyo mid maamul goboleed ee Xildhibaanada ka soo jeeda (Somaliland)
  7. Gudoomiyaha Aqalka Sare waxa ay isfahmi waayeen wadashaqayntii golaha shacabka oo mudo xanibnayd, Xukuumada iyo Madaxtooyada ma jiro isfaham uu la leeyahay Gudoomiyuhu, laakiin waxa jira isfaham balaadhan oo uu la leeyahay dhamaan mucaaradka dawlada (heer federal iyo heer dawlad goboleed) kaas oo wiiqaya hanaanka iyo horusocodka dawladnimo ee aan hiigsanayno.
  8. Qoraalada uu faafiyay gudoomiyaha aqalka sare cidna kuma metelo, waxayna abuurayaan khilaaf iyo khalkhal siyaasadeed oo aan dalku u baahnayn.
  9. Hadii aanu nahay sanetarada ka soo jeeda Somaliland waxaanu ku wargelinaynaa Daneeyayaasha Beesha Caalamka ee taageera Somaliya inaanu taageersanahay Gudiyada Doorasho heer federal iyo heer maamul goboleed ee xukuumada magacowday, diidmada gudoomiyaha Aqalka Sare inay tahay ra’yi shaqsi ah oo aanu nagu metelin, kuna koobanyahay keligiis.
  10. Xildhibaanda labada golle iyo xubnaha gollaha Xukuumada ee ka soo jeeda Somaliland waxay dawlada federaalka ku metelaan raadinta midnimo loo dhanyahay, ilaalinta iyo jiritaanka dawladnimada Somaliya.
  11. Soo xulista iyo magacaabista Guddiyadda Doorashooyinka waxaa xaq u leh Xukuumada Federaalka Somaliya sida uu dhigayo habraaca hirgelinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka 2020/2021 Faqrada 3aad oo ay go,aamiyeen GOLLAHA WADATASHIGA QARANKA SOMALIYEED ayna wada jir u ansixiyeen labada golle baarlamaan.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.