Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, qeybta 21-aad oo qaab aano Qabiil ah la sheegay in lagu laayey inta u dhaxeysa Guriceel iyo Balamballe.
Falkan oo ay ka dambeysay maleeshiyo beeleed degaanka ah ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aan qabiil, waxaana lagu dilay lix sarkaal oo degaankaasi caan ka ahaa oo meydadkooda la gelay, halka la la’ yahay saddex sarakaal oo kale.
Saraakiisha la dilay waxay magacyadooda kala yihiin:
1- Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf
2- Gaashaanle Cabdi Guuna Guune
3- Laba Xiddigle Faarax Jaamac Colaad
4- Kabtan Shariif Cirro Maxamed
5- Gaashaanle Gaangul Xalane
6- Kabtan Siciid Xasan Faleey
Saraakiisha lagu waayey weerarka ayaa magacyadooda lagu sheegay:
1- Laba Xiddigle, Qalbi Indha-taag (Wararkii ugu dabeeyay ayaa sheegaya in sarkaalkan la helay isagoo dhaawac ah)
2- Gaashaanle Cayroow Warsame Xassan
3- Kabtan Suldaan Dirir