Home Afsomali Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Ayaa Agab dhanka waxbarashada ka saacidaya gudoonsiisay ardayda...

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Ayaa Agab dhanka waxbarashada ka saacidaya gudoonsiisay ardayda Dufcada labaad ee Deeqda Waxbarasho ee Shirkadda Hormuud. DAAWO SAWIRAA

Munaasabada ardayda lagu gudoonsiinayay Agabkan oo ah laptop-yo loogu tala galay ardayda fursada u helay Barnamijka deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation ayaa lagu qabtay Xarunta Hey’adda Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo sodon arday oo wax ka barta 11 jaamacadood ee dalka ayaa nasiib u helay in la siiyo agabkan oo ay bixisay hay’ada Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiye Ku xigeenka Hormuud salaam foundation Cabdiraxman Ibrahim Cilmi oo ugu horeen ka hadlay munaasabada ardayda lagu gudoonsiinayay agabka waxbarasho ayaa kahadlay deeqda waxbarasho oo ay hormuud siisay Ardayda maanta lagudoonsiiyay laptop-yada.

Gudoomiyaha Hay’adda hormuud salaam

Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in deeqda waxbarasho loogu talagalay in loo soo saaro dadkii dalkan mustaqbalka wax u tari lahaa, waxaana uu kula dardaarmay ardayda in waqtigooda iyo nasiibkooda ay ka faa’iideestaan oo ay ka natiija keenaan waxbarashadooda islamarkaana ay dib u milicsadaan juhdiga waalidiintooda ay ku soo bixiyeen. Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay sameen doonaan wacyi galin iyo tababaro xiliyada fasaxa ardayda taasi oo looga faa’ideenaayo ardayda in sare loogu qaado garaadkooda, isagoo hoosta ka xariiqay in howlaha Hay’ada hormuud Salaam Foundation ay sal u yihiin Hormarinta Dalka.

  

Qaar kamid ah waalidiinta iyo ardaydii heshay agabka waxbarasho ayaa ka mahad celiyay fursadaan ay siisay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation iyagoo tilmaamay in ay dhameystirantahay habsami usocodka waxbarashadooda.

Waa sanadkii labaad oo Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ay siiso deeq waxbarasho iyo agab noocan oo kala ah iyadoo sanadii 2019 ilaa 30 arday ay ka faa’ideysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.