Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa u ku dhex-maray Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Kawaan Barri ee degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in uu u dhaxeeyo Ciidamo Milalteri ah oo uu wato Sarkaal lagu magacaabo Cismaan Xaadoole oo dhowr jeer soo noqday guddoomiyaha degmada Balcad & sarkaal magaciisa lagu soo koobay Joorre oo ka tirsan Minishiibiyada gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu salka ku haayo isku qabsi dhul ku yaalla halka lagu dagaalamay, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad Shacab ah.
Dadka ku nool agagaarka Xaafada Kawaan Barri ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ay sheegeen in labadii maalmood ee la soo dhaafay uu jiray muran la xiriirka dhulka la isku heysto, balse mar qura ay Maanta ka war heleen dagaalka ka dhacay Xaafada.
Laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir weli kama hadlin dagaalka Maanta Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex-maray magaalada Muqdisho, iyada oo Muqdisho degaannada ku teedsan ay inta badan ka dhacaan dagaalada salka ku haaya muranka dhulka ee dhex-mara Ciidamada ka wada tirsan dowladda.