Home Afsomali laba Qof ayaa meelo kala duwan loogala dagay gaadiid ay la...

laba Qof ayaa meelo kala duwan loogala dagay gaadiid ay la soocdeen ka dibna la toogtay

Koox hubeysan ayaa dil u gaysatey qof shacab ah oo ay kala dageen gaari uu la socdey oo ku safrayay jidka isku xira Matabaan iyo Baladweyne, dilkan ayaa ka dhacey Deegaanka Bacda oo hoostaga Matabaan.

Ciidanka Ammaanka ayaa sheegay in kooxdii falkaan geysatay ay ahaayeen koox u abaabul qaab beeleed, islamarkaana baaritaano lagu sameyn doono.

Degaanka falkan ka dhacay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa xiisad colaadeeda.

Saakay ayay dhacdadan mid la mid ah ka dhacdey Xuduudka Hiiraan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo qof la socdey gaari sidan oo kale dil loogu geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.