Home Afsomali Maamulka Somaliland oo Jeelka u taxaabay Wariyeyaal

Maamulka Somaliland oo Jeelka u taxaabay Wariyeyaal

Ciidamada Booliska Soomaaliland ee ka howlgalla Magaalada Boorama ayaa maanta xiray Afar Wariye oo kamid ah Wariyeyaasha ka Shaqeeya Gudaha Magaalada, kuwaas oo loo jeediyay Eedeyn kulul.

Wariyeyaasha la xiray ayaa waxaa ay kala yihiin, Axmed Diiriye Ciiltire, Xuseen Caateeye, Shucayb Maxamed Kaahin iyo Cabdillaahi Daahir Wacays, waxaana xarigooda la sheegay in uu amray Guddoomiyaha Magaalada Boorama Saleemaan Xasan Xaadi.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha ugu weyn ee loo xiray Wariyeyaasha ay tahay, kadib markii ay faafiyeen in Guddoomiyaha Magaalada Boorama uu u baxsaday dalka Jabuuti markii lagu helay musuq maasuq.

Soomaaliland ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay caburiyaan Wariyeyaasha, isla markaana marar badan ay xireen Wariyeyaal dhowr ah, kuwaas oo qaarkood xukuno adag lagu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.