Allaha u naxariistee waxaa caawa xili saqdhexe ah ku geeriyooday Isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho Ugaas Maxamed Wali oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed ee ugu caansan Dalka.
Ugaaaska oo baryihii ugu danbeeyay xanuunsanaa ayaa Habeen hore la dhigay isbitalka waxaana Mohamed Abdikadir Socdaal oo ugaaska adeer uu u ahaa isbitalkana kula jiray uu ii xaqiijiyay in Baaritaankii Carona verus ee lagu sameeyay marxuumka lagu lagu ogaaday in uu qabay cudurkaas sababta geeridiisuna ay tahay arinkaas.
Allaha u Raxmadee Nabadoonka waxa uu kamid ahaa salaadiinta dhaqanka ee aad uga hadli jiray arimaha Siyaasaadka Somaliya.
Taariikhdiisa iyo waxii Macluumaad kale ee dheeri ah dib ayaan idinkalasoo wadaagi doona.