Home Afsomali Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Nuuradiin Axmed Caalin

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Nuuradiin Axmed Caalin

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cusmaan Abokor Dubbe, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan maamulka iyo howl-wadeenada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Nuuraddiin Axmed Caalin oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Marxuum Nuuraddiin oo sidoo kale ka mid ahaa ciidamada Booliiska Qaranka uu waqti badan kusoo bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa isla markaana uu door lama hilmaamaan kulahaa shaqada Warbaahinta Qaranka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Nuuraddiin Axmed Caalin waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska dowladnimad iyo horumarinta warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa muwaadin ay ka go’nayd hufnaan u gudashada howlaha muhiimka ah ee uu Qarankiisa u hayay”.

Wasiir Dubbe ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.