Home Afsomali Mashruuc lagu farsameynayo af-xirka oo muqdishu laga daah furay

Mashruuc lagu farsameynayo af-xirka oo muqdishu laga daah furay

Si wadajir hayadaha  irise hub iyo machadka naafada Somaliyed IEDP ayaa daah furay mashruuc tijaabo ah loogu talagalay farsameynta face mask af-xir dalka gudahiisa lagu sameeye. Hoowshan ayaa waxaa ka qeyb qadan doono dhalinyaro naafo ah iyo kuwo dadka barakacyash ka socdo

Qorshaha mashruucaan ayaa ah in fursad shaqo loo abuur koox naafo iyo barkacyaal ah oo ku nool gudaha iyo duleedka magaaaldda Muqdishu Caasimada dalka somaliyed. kuwaa oo  soo saari doono boqolaal xabo maska afka lagu xirto.  si looga qeeyb qaato samata bixinta dadka naafada iyo kuwa barkacayaasha oo anan iibsan Karin maskan qaliga ah

Xiligan xasaasigaa  cudurka covid19 uu aad u ugu faafay maamulka gobolka Banadir iyo Wasiirka Wassarada Caafimadka ay soo saaray amar faray bulshada in ay xirtan af-xir markast gaar ahaan xilyada ay magaalda dhexdeeda joogan. Iyada oo ay jirto ganaax la marindon cidkasto oo jabiso awaamirta looga hortagayo faafinta cudurka covid19

 

Hal-abuurka mashruucan ayaa ah mid ka yimid dadka naafada kadib marki ay dareeymen  cabsida sii kordheys laga qaba sida cudurka dalka ugu faafaya. Gaar ahaan bulshada naafada oo ah kuwo si weeyn u dayacan oo anay jirin wax hayad iska xilsartay qeeybinta maska ama af xir looga hortago cudurk. Iyo xaalada dadka barkaca iyo naafada oo aanan gadan Karin qiimaha qaaliga ahla iibiyo af-xirka.

Cabdulahi Xasan Xuseyn Madaxa cluster ka naafada ahna xubin Golaha Naafada Qaranka Somaliyed Cabdullahi xasan waa hal abuuraha fikirkaan oo ku yimid cabsi iyo walaac xoogan asiga soo food sartay kadib markii uu cudurka u geeriyoday saaxiibkiis oo mid ku socoda kuraasta naafada ay wada degnayen xaafada daris ah. Taa keentay in uu ka fikiro sida ay dadka naafada kaga bad baadikaraaan cudurk

Waxaa mahad iskalahe Mashruuc DALBILE iyo hayada IRISE HUB oo gacan kageeystay maalgelinta mashruuc tijaabo ah lagu soo saaridoon 2 ilaa 3 kun xabo maas isbuucyo gudahooda si looga qeeyb qaato  ka samata bixinta dadka naafada  halsita cudurka covid19 oo ku sii kordhayo bulshada dhexdeeda

Dalka somaliyed ayaa ku biiray dalalka saxiixay axdiga caalmiga dadka naafada 2019 kaa noqday dalka 178aad taas oo keenaysa masuuliyad dheeri dowlada ka saran hubinta dadka naafada daryeelkooda, horumarkooda iyo ka qeeyb galin siyaasada somaliyed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.