Home Afsomali Dalalka sacuudiga Somalia induniisiya iyo maleysiya ayaa sheegay in ay bishu...

Dalalka sacuudiga Somalia induniisiya iyo maleysiya ayaa sheegay in ay bishu kow tahay caawa lana soomayo

Boqortooyada Sucuudi carabiya  ayaa goor dhaw ku dhawaaqday in maalinimada berrita  ah ee Taariikhdu ku beegan tahay 13-ka April ay tahay maalinta kowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Maxkamadda sare ee Sacuudiga ayaa shaacisay in qaybo ka mid ah dalkaasi laga arkay Bisha, waxaana war kasoo baxay Maxkamadda lagu sheegay in degaan u dhaw Magaalada Caasimadda ah Riyaad laga arkay bisha.

Sidoo kale waxaa jira dalal kale oo shaaciyay in berry ay tahay Maalinta koowaad ee Ramadaan, waxaana dalalkaasi ka mid ah Indonusia iyo Maleysia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.